Tuesday, February 18, 2025

Golaha Amniga Q/Midoobay oo War culus kasoo saaray Qaraxyadii Alshabaab ee Muqdisho

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxyadii ay kooxda Al-Shabaab ka fulisaymagaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022.

15-ka dal ee Golaha Ammaanka ayaa Bayaan ay soo saareen ku sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxyadaas, waxayna tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay iy dowladda Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Argagixisada,’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka Talaadadii.

Ad

Golaha Ammaanku waxay caddeeyeen baahida loo qabo in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisanimada ah ee foosha xun, lana horkeeno sharciga.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay kaloo bayaankooda ku xuseen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, waxayna ku dhiirigeliyeen Dowladaha xubnaha ka ah inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ATMIS iyo sidoo kale Ciidamada Amniga Soomaaliya, si loo taageero hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen qadarinta ay u hayaan gobanimada, madaxbanaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey bayaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON