Thursday, October 10, 2024

Golaha Amniga Q/Midoobay oo maanta Xayiraadii Hubka ka qaadaya Dowlada Somaliya

Wararka laga helayo Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in maanta kulan ay yeelanayaan Golaha Ammaanka u codeyn doonaan Qaadista xayiraadii Hubka ee saarneyd Dowladda Soomaaliya.

Xayiraadan ayaa Soomaaliya saarneyd tan iyo sanadkii 1992, waxaana hadda loo ogolaan doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadeeda ammaanka inay helaan Hub..

Dalalka Xubnaha ka ah Golaha Amniga ee 15-ka ah ayaa maanta oo Jimce ah 1-da Disembar 2023 u codeyn doona, kadibna ansixin doona laba qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain.

Ad

Qaraarka koowaad ahaa ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan, halka kan kale uu yahay in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Arrinta Golaha Amniga ka walaacsan yaha yayaa ah xarumaha lagu keydiyo Hubka iyo rasaasta ee Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya loogu baaqay dhismaha, dib u habeynta iyo isticmaalka bakhaarrada badbaadada hubka ee Soomaaliya oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer dalaal ugu jirtay in laga qaado cunaqabataynta hubka si ay u xoojiso ciidamadeeda oo ay ula dagaalamaan kooxaha hubeysan sida Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON