Thursday, April 24, 2025

Golaha Amniga Q/Midoobay oo Dalab u culus u diray Madaxweyne Farmaajo (Waa inaad qabataa..)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, iyadoo uu warbixin kasoo saaray soo saaray xoghayaha guud ee Q/Midoobay, isla markaana ay khudbado ka jeediyeen Ergayga Q/Midoobay ee Soomaliya James Swan iyo wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira.

Golaha Amniga ayaa soo dhoweeyay horumarka laga gaaray ansixinta Sharciga Doorashooyinka iyo hawlgalladii ciidamada Dowladda iyo kuw AMISON ka sameeyeen Shabeellada Hoose iyo dib u xoreynta magaalada Jannaale.

15-ka dal ee Golaha Ammaanka khudbado ka jeediyey fadhiga, iyadoo dal kasta uu caddeeyay mowqifkiisa xaaladda Soomaaliya; waxaana Golaha Amniga uu walaac ka muujiyey in ciidamada dowladda loo adeegsado xafiiltan siyaasadeed sida ciidamada la geeyay Gobolka Gedo.

Ad

Baaqa ugu weyn ee ay so saareen Golaha Ammaanka ayaa ayaa ku socday Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada loogu yeeray inay wadahadlaan, si degdeg ahna u yeeshaan si xal looga gaaro arrimaha Doorashooyinka. Wakiilka Dowladda Maraykanka ayaa ugu yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulankii Golaha Amniga Qaranka ee ay ku wada jireen madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON