Tuesday, October 3, 2023

Golaha Amniga Q/Midoobay oo 6 Bilood ugu daray ciidamada ATMIS iyo 5000 oo sanadkan..

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 27-kii bishan June 2023 muddo 6 Bilood ah ugu daray joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, wuxuuna ansixiyey qorshaha si qaabeysan dalka looga saarayo ciidamada Midowga Afrika.

Wuxuu Golaha Amniga hore u ansixiyay, iskuna raacay in Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya laga saaro 5000 oo ka mida ilaa bisha September 2023, iyadoo aakhirka June lagas aaryo 2000 askari.

Si waafaqsan qaraaradii hore ee Golaha Ammaanka, ATMIS ayaa billowday inay 2,000 oo askari ka saaraan Soomaaliya dhowr maalmood kahor, hanaankaas oo lasoo geba-gebeyn doono dhammaadka June.

Bixitaanka “wuxuu ku dhow yahay geba-gebo” waxaa sidaas Talaadadii yiri safiir ku-xigeenka Soomaaliya ee QM Mohamed Rabi Yuusuf.

Waxa uu intaas ku daray in dowladdiisa ay sameyn doonto “diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah ayada oo kaashaneysa Midowga Afrika wejiga labaad ee bixitaanka 3,000 oo askari oo ATMIS ah oo dalka laga saarayo dhammaadka September.”

Qaraarka ay ATMIS kusii joogayaan Soomaaliya illaa dhammaadka 2023 ayaa waxaa si aqlabiyad ah loo ansixiyey Talaadadii, waxaana uu tirada askarta howlgalka ka dhigayaa 14,626 laga billaabo 1-da October illaa 31-ka December.

Golaha Ammaanka ayaa sheegay “inuu diyaar u yahay inuu dib u eego tiradan” kadib marka qiimeyn farsamo ay soo gudbiyaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika kahor 15-ka September, si gaar ahna u qiimeyn doono wejiga koowaad ee qorshaha yareynta, kadibna bixin doono “qorshe cad iyo jadwal” oo la xiriira inta harsan.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee UN-ka ayaa sheegay inaan loo baahneyn in la degdego, iyadoo howlgalka nabad-ilaalinta Afrika laga saaro Soomaaliya si tartiib ah, wuxuuna mar kale codsaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka.

“Cunaqabateynta qeybta ah ee hubka ee Qaramada Midoobay saartay Soomaaliya waxay caqabad ku tahay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay awood u yeelato inay si ku filan u hesho ciidamadeeda ammaanka si ay uga hortagto khatarta isa soo tareysa ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Mohamed Rabi Yuusuf.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!