Monday, February 10, 2025

Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo Xayiraadii ka qaaday Eritrea & Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay [Akhriso]

Dalalka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea, kadib cod loo qaaday qaraar ay diyaarisay UK oo lagu dalbaneyay in la qaado xayiraadaasi.

Golaha Amaanka Q/Midoobay  ayaa isagoon u kala harin u codeeyay qaraarka cunaqabateynta hubka iyo dhaqaalaha looga qaadayo dalka Eritrea, kadib markii ay dhammaatay colaadii kala dhaxeysay dalka Itoobiya iyo qaar ka mida dalalka deriska.

Dalka Eritrea ayaa lagu soo rogay xayiraadda sanadkii 2009, kadib markii lagu eedeeyay inay hub siiso kooxda Alshabaab iyo kooxaha islaamiga Soomaaliya; iyo markii ay diidey in la xaliyo khilaafka xuduudka ee kala dhaxeeya dalka Jabuuti.

Ad

Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhoweeyay qaraarka Golaha Ammaanka ee lagu qaaday xayiraadii saarneyd Eritrea, waxaana Madaxweynaha Soomaalya uu sheegay in arrintan ay ku dhacday codsi wadajir ah oo ay Q/Midoobay u gudbiyeen.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha Amniga Q/Midoobay tallaabada waqtigii loogu baahnaa uu qaaday. Geeska Afrika wuxuu si degdeg ah ugu socdaa dhinaca iskaashi dhaqaale..” ayuu yiri Madaxweyne Farmajo oo qoraal kasoo saaray arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON