Saturday, January 25, 2025

Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo waqtiga u kordhiyey Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Golaha Amaanka ee Qaramadda midoobay ayaa mudadda u kordhiyey Xafiiiska UNSOM ee Howlgalka Soomaaliya oo la gaarsiiyey ilaa 31-ka March sanadka 2020 ka.

Qaraarka uu tirsigiisu yahay 2461 ayaa Golaha Ammaanka ku kordhiyey muddo xileedka UNSOM, kasoo dowladda Soomaaliya taageera dhinacyo kala duwan, waxaana hoos taga ciidamo kooban oo ka socda Q/Midoobay.

Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegay in xafiiska UNSOM muhiim u yahay taageeradda siyaasadeed iyo farsamo ee Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya si loo gaaro Doorasho qof cod ah, xor ah, Nabad ah loona dhanyahay Sanadka 2021.

Ad

Goluhu waxaa uu ku booriyay Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda in ay fuliyaan isbadaladda muhiimka ah ee Wadanka oo uu ku jiro Qorsha Amniga qaranka. Golaha ayaa ka codsaday dalalka Caalamka in Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM la siiyo wax kasta oo u suura gelin kara inay ka adkaadaan Kooxaha argagixisada ah ee caqbaada koowaad ku ah horumarka dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Baalle ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ka hor-jeediyay warbixin ka hadleysay xaalada Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay horumarada u dambeeyay ee dowladda sameysay.

Xafiiska UNSOM ee muddada loo kordhiyay waxaa la asaasay sanadkii 2013, iyadoo sanad waliba dib loo eego xilkiisa. UNSOM ayaan lahayn madaxii sareeyay kadib markii wakiilkai Q/Midoobay ee hore Nicholad Haysom ay ceyrisay dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON