Tuesday, October 3, 2023

Golaha Ammaanka oo ogolaaday in la dhoofiyo Dhuxusha taalla Kismaayo, kadib..

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar cusub oo waqti kooban soconaya, kaasoo lagu fasaxayo dhoofinta dhuxusha taalla magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbalanad.

Qaraarkan oo yimid kadib codsi ay dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Amniga ayaa muddo kooban meesha ka saaraya Xayiraadii ay hore Qaramada Midoobay ugu soo rogtay Alshabaab ee ah inaan Dhuxul laga dhoofin karin Soomaaliya.

Qaraarkan cusub ayaa lagu sheegay, “in iyada oo la ogsoon yahay in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda caalamka, in haddana golaha ammaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan.”

Ad

Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay taageereen in dawladda Soomaaliya ay qaado tallaabo ay si dhamaystiran meesha uga saaraysa dhuxusha kaydsan, iyada oo raacayo codsiga ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha, bishii August 14-keedii.

Dowladda Federalka iyo maamulka Jubbaland ayaa maamuli doona Kharashka kasoo baxa Dhuxusha badan ee la dhoofinayo, marka laga saaro qiimaha ay ku fadhiday, waxaana Golaha Amniga la gaarsiiyay qaabka lacagtaasi loo maamulayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!