Sunday, December 8, 2024

Golaha Ammaanka oo Bil gudaheed kulan gaara ka yeeshay Doorashada Soomaaliya iyo War cusub oo…

Golaha Ammaanka Q/Midoobay ayaa bil gudahood markii labaad xalay kulan gaara ka yeeshay xaaladda Doorashada Soomaaliya iyo is-mari waaga ka taagan.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayaa looga dooday xaalada ay wajaheyso Soomaaliya oo aanay wax doorasho ah ka dhicin, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Kulanka gaarka ah ee Golaha Amniga ka yeeshay khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa saxafadda la hadashay Safiirka Mareykanka haweeneyda Linda Thomas-Greenfield oo sheegtay in kulanka looga looga hadlay Doorashada Soomaaliya, ayna warbixin ka dhageyteen wakiilka W/Midoobay James Swan.

Ad

“Waxay xubnaha Golaha Amniga walaac ka muujiyeen is-mari waaga taagan iyagoomadaxda Soomaalida ugu baaqay inay galaan wadahadal wax ku ool ah sida ugu dhaqsuyaha badan iyadoo aan wax shuruud hordhac ah lala imaan si loo xaliyo dhibaatada taagan”. ayey tiri wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa inuu go’aan ka qaato xaaladda cakiran ee Doorashada Soomaaliya, War cusubna soo saaro maalmaha soo socda; kadib markii la isku mari waayey dadaalladii ay wadeen wakiilada beesha Caalamka, isla markaana wax horumar ah laga gaari waayey sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada is diidan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON