Friday, March 28, 2025

Godad ay Alshabaab ku aaseen Meydad badan oo lagu arkay duleedka Aadan Yabaal

Wararka laga helayo degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Godad waaweyn oo Alshabaab ku aaseen Meydad badan oo loo maleynayo inay maleeshiyadooda ka tirsanaayeen.

Ciidamada dowladda ayaa tegay dhufeysyo Alshabaab ka qoteen degmada Aadan Yabaal, waxaana lasoo bandhigay godad waaweyn oo qaarkood meydad ku jiraan balse aan si fiican loo aasin, waxaana socday howl lagu aasayo meydadkaasi oo isbedelay.

Qaar ka mida saraakiisha dowladda ayaa sheegay in Alshabaab markii ay ka baxayeen Aadan Yabaal ay meydadaasi godad waaweyn ku shubeen, iyag oo aanan kala saarin, kana cararreen.

Ad

Lama oga xaqiiqada Meydadka loogu tegay degmada Aadan yabaal oo Alshabaab aysan ku dagaalamin, balse waxay u ahayd xarun ay geysteen dhaawacyadooda, ayna joogaan qaar ka mida saraakiishooda sare.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON