Golaha Wasiirrada Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta ku ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkad Imaaraad ah.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Somaliya ayaa lagu sheegay in Shirkii Golaha Wasiirada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group.
Heshiiskan ayaan wax faahfaahin ah laga bixin waxa uu ku saabsan yahay iyo noociisa, balse waxaa lagu soo koobay in Golaha Wasiirada ay ansixiyeen, mana cadda in loo gudbin doono Baarlamaanka Federaalka iyo inkale.
Sidoo kale waxaa shirka Golaha wasiirada lagu asnixiyay Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, iyadoo golaha wasiirada warbixinno looga dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.