Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa maanta la filayaa inay soo saarto Go’aanka Dacwaddii ka dhalatay Natiijada Doorashada madaxweynaha dalkaasi ee dhacday 9-kii Ogost 2022.
Xaalada dalka Kenya ayaa guud ahaan ah mid cabsi leh, iyadoo ciidamo badan la dhigay wadooyinka caasimadda Nairobi iyo Gobillada dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in go’aanka Maxkamadda uu dhaiiyo qalalaase.
Kenya ayaa caan ah ku ah qalalaase iyo rabshado ka dhasha Doorashooyinka, waxaana Guddiga Doorashada ee Kenya oo kala jabay uu ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha Kenya, isagoo helay 7.1 malyan oo cod, halka siyaasiga caanka ah Raila Odinga uu helay 6.9 malyan oo cod.
Magaalooyinka laga cabsi qabo inay rabashada ka dhacaan ayaa waxaa ugu horeeya Gobolka uu kasoo jeedo musharaxa Raila Odinga..
Afar ka tirsan toddobada xubnood ee guddiga doorashada ayaa qaadacay natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati, iyagoo sheegay in tirinta codadku ay ahayd mid mad madow uu ku jiray.
Maxkamadda ugu sarreysan Kenya ayaa hore taariikh weyn u sameysay markii ay laashay doorashadii sanadkii 2017 iyadoo baabi’isay guushii madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markaas ka guuleystay Raila Odinga.
Go’aanka Maxkamadda Sare ee Kenya ka gaari doonto natiijada lagu murmay ee doorashadii Madaxweynaha ayaa noqon doona mid saameyn ku yeesha dalkaasi oo tan iyo bilowgii Bishii hore sugayey inuu yeesho Madaxweyne cusub, iyadoo doorashada aya ahayd mid aad isugu dhow.