Sunday, March 23, 2025

Go’aanada Maxkamadda ICJ qasab miyey ku yihiin Dalalka inay u hoggaansamaan?

Dowladda Kenya ayaa si hordhac ah u diiday go’aanka la filayo in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay ka gaarto dacwadii Xuduudka Badda ee Somaliya iyo Kenya maalmo ka hor xilligii la filayey inuu soo baxo.

Haddana Go’aammadii Maxkamaddu ma yihiin kuwo khasab ah fulintooda?

Sid ku cad sharciga lagu dhisay Maxkamadda Go’aamadeeda waa mid kama dambeys ah oo aan rafcaan lahayn, dalalkuna ku qasban yihiin inay u hoggaansamaan.

Ad

Xukunnada ay Maxkamaddu (ama mid ka mid ah Goleyaasheeda) ka soo saaraan khilaafyada u dhexeeya Dawladaha waxay ku xiran yihiin dhinacyada ay khusayso.

Qodobka 94-aad ee Axdiga Qaramada Midoobey wuxuu siinayaa “Xubin (Dal) kasta oo ka mida Qaramada Midoobay waxay ballanqaadeysaa inay u hoggaansanto go’aanka [Maxkamadda] kiis kasta oo ay dhinac ka tahay”.

Xukunnada Maxkamadda waa kama dambays oo rafcaan la’aan ah. Haddii uu jiro muran ku saabsan macnaha ama baaxadda xukunka, waxaa suurtogal ah oo kaliya in labada dhinac midkood uu maxkamadda ka codsado fasiraad.

- Advertisement -

Haddii ay dhacdo in la helo xaqiiqo aan ilaa hadda Maxkamaddu ogayn taas oo noqon karta arrin go’aan qaadata, labada dhinac midkood ayaa dalban kara dib -u -eegista xukunka.

Waxaa jira dalal dhowr ah oo aan u hoggaansamin xukunno ay soo saartay Maxkamadda ICJ, sida Dalka Mareykanka oo diiday go’aan ku saabsan cunaqabateynta uu saaray Iiran iyo Nigeria oo diiday xukunka maxkadda ICJ ka gaartay Marinka Bakassi oo loo xukunay dalka Cameron.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON