Sunday, April 27, 2025

Gen. Tuuryare oo kashifay Siyaasiyiin iyo Saraakiil fashilin ku sameeyay ciidamada

Agaasimihii hore ee NISA Jeneraal C/raxmaan Tuuryare ayaa kashifay qaar ka mida sababihii keenay dib u gurashada ciidamada dowladda ee kasoo baxay degaanadii ay hore u qabsadeen qaarkood, Gobolka Galgaduud.

Jeneraalka oo xiriir dhow la leh madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana ka mid ahaa saraakiisha degaanada dagaalku ka socdo tegay ayaa sheegay in arrimo farsamo iyo qaar siyaasdeed ay keeneen in ciidamada ay ka baxeen degaano dhowr ah.

Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay in la waayey meel saadkii loo mariyo ciidamadii ku sugnaa Cows-weyne, iyadoo aanu ciidanka u abaabulneyn qaab jabhadeed oo Alshabaab ay ilaa 5 dhinac ka go’doomiyeen ciidankaasi, lana gaarsiin waayey gurmadkii ay u baahnaayeen.

Ad

“Waxaa dhahay inay daahaan ciidamadii ku daba jiray, khaladka dhacay wuxuu ahaa inaan laga fekerin arrintaas… wixii la sheego wax baa ka jira Khilaafka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha xoogga dalka, xilliyada dagaalka duruufo jira ayaa keeni kara in la isugu dhaco, taasoo u baahan xal ka yimaada Golaha wasiirada iyo Madaxtooyada” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare oo wareysi siiyay VOA.

Wuxuu ka hadlay siyaasiyiin tashwiish ku furay ciidamada. “Siyaasiyiin badan oo waxaa jira ku xiran saraakiisha, waxaan jira tuhmo weyn oo saraakiishaasi lagula xiriiray looguna sheegay inaysan dagaalamin, waxaa kaloo jira saraakiil aan gurman, kuwa ka baxay aagag lagu ogaa sabab la’aan..” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare oo si cad u sheegay in la ogaaday dhibaatadii jirtay sida siyaasiyiintii ciidamada la xiriiray iyo saraakiisha khaladaadka sameeyay, lagana warqabo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON