Saturday, April 26, 2025

Gen. Indha-qarshe: “Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha inaan dhowr bilood kadib la bedelin Taliyaha Ciidanka..”

Taliyihii ciidamada xoogga dalka ee xilka laga qaaday Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa dhaliilay xil ka qaadista joogtada ah ee lagu sameeyo taliyeyaasha ciidamada Milateriga Soomaaliya, isagoo ku baaqay in waqti la siiyo taliyaha cusub.

Isagoo wareysi siiyay ldaacadda VOA ayuu si weyn u dhaliilay hannaanka loo marayo oo aanay habooneyn in labo sano iyo bar gudahood 5 Taliye soo marto Taliska, wuxuuna ku baaqay Taliye Odowaa in la siiyo waqti lagula xisaabtami karo oo ciidanka lagu dhisi karo.

“Waxaan kula talinayaa siyaasiyiinta uu Madaxweynaha ugu horeeyo waa inaan sidan ka daayaan ciidamada, Odawaa Yuusuf Raage waa inan yar ku haboon waqtiga la joogo, soo dagaalamay, wax badan ayuu qaban karaa haddii waqti la siiyo.” ayuu yiri Jen. Indha-qarshe oo muddo sanad ah oo qura hayay xilka taliyaha ciidamada Milateriga Somalia.

Ad

Wuxuu kaloo ka hadlay Taliyaha xilka sii haya guulaha ay gaareen ciidamada Milateriga iyo sida ay howl galeen Gobolka Sh/hoose, isagoo sheegay in weerarkii ugu weynaa ee Alshabaab ku qaadeen Awdheegle qasaare laxaad lagu lagu gaarsiiyey.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA VOA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON