Saturday, March 15, 2025

Geerida Saraakiil lagu dilay Gobolka Hiiraan oo qabsatay Baraha Bulshada, iyadoo…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dagaal iyo qaraxyo shalay ka dhacay degaanka Booco oo qasaare kasoo gaaray ciidamada dowladda, kadib markii Alshabaab weerar jidgal ah iyo Miinooyin u dhigeen ciidamada.

Waxaa la xaqiijiyey geerida Sarkaal ka tirsan ciidamada Gorgor Cabdi Tahliil oo la sheegay inuu ku dhintay Degaanka Booco ee Gobolka Hiiraan, kadib Miino ku qaraxday Gaari uu la scoday. Geerida sarkaalkan ayaa xalay ilaa maanta qabsatay baraha bulshada, iyadoo dad kala duwan ay tacsi u direen.

Sidoo kale Axmed Jaamac Dhulun oo ka mida saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalka shalay ka dhacay Degaanka Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa.

Ad

Taliska ciidamada dowladda, Hirshabeelle iyo dowladda federaalka ayaan ka hadlin qasaaraha shalay ka dhacay degaanka Booco, iyagoo ka wada gaabsaday sababo aan la ogeyn dartood.

Alshabaab ayaa sheegatay inay dishay inay dagaalka ku dishay 18 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, balse ma jirto cid xaqiijisay, inkastoo qasaare soo gaaray ciidamada dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON