Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay Qaad lagu qabtay Garoonka oo si yaab leh loogu soo qariyey xamuul oo diyaarado gudaha dalka ka shaqeeya ay keenaan magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidamada Booliska garoonka Diyaaradaha Muqdisho Col. C/fataax Bashiir Cali ayaa sheegay in Qaadka lagu qabtay lagu siday saddex Boorso oo ay ku kala jireen: 18.5 Kiilo, 16 Kiilo, 6 Kiilo iyo duulimaad kale oo la helay Hal kilo oo Qaad ah iyadoo lagu soo qariyey Jeeg uu ku jiray Hilib Oodkac ah.
Qaadkan lagu qabtay Garoonka Muqdisho ayaa la sheegay inuu shalay ka yimid magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaa lagu soo bandhigay garoonka, iyado ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka gaadiidka, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banadir iyo mas’uuliyiin kale.
Qaadka ayaa goobtaasi lagu gubay iyadoo looga digay dadka Qaadka soo gelinaya Muqdisho in sharciga la horkeeni doono.