Thursday, April 24, 2025

Ganacsato Qeylo-dhaan kasoo saaray Qaadka Itoobiya laga keeno oo loo xiray Nin la dhashay Farmaajo

Ganacsatada Qaadka ee magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan kasoo saaray Qaadka laga keeno dalka Itoobiya in loo xiray nin la dhashay Farmaajo iyo dad u shaqeeya, ayna dhibaato weyn ku qabaan.

Ganacsatada Qaadka ayaa ka cabanaya in muddo sanad ku dhow oo la joojiyey Qaadkii Kenya, suuqana loo furay Qaadka loo yaqaan Hareeriga ee ka yimaada Itoobiya in ganacsigii loo xiray Xasan Farmaajo oo la dhashay Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo saddex nin oo la shaqeysata oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Cali Yare.

Ganacsatadan oo marar badan qeylo dhaan kasoo saaray arrintan ayaa baaq kale ud iray madaxda u metesha dowladda Federaalka iyagoo ugu baaqay in wax laga qabto ganacsiga lagu naas-nuujinayo Farmaajo walaalkii oo dadka lagu qasbay inay qiime sare ku qaataan, Cid kalena aanay qaad keeni karin dalka.

Ad

Ciidamada Amniga ayaa hore olole ugu qaaday Qaadka dhuumaaleysiga looga keeno Kenya, iyadoo suuqyada Qaadka lagu ugaarsaday, ganacsatadana loogala wareegay Qaadka aan ahayn Hareeriga.

HOOS KA DAAWO

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/505415320474859
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON