Saturday, May 17, 2025

Ganacsatada Muqdisho imisa Canshuur ayey bixinayaan..? [Dowladda, Alshabaab & Daacish]

Kooxda Daacish ayaa sii kordhisay dagaalkeeda dhaqaale doonka ah ee magaalada Muqdisho iyadoo si gaara u beegsaneysa Shirkadaha waaweyn ee dalka, sida kuwa isgaarsiinta iyo xawaaladaha ee caasimadda.

Daacish oo Koonfurta Soomaaliya dhibaato weyn ka heysatay howlgalkeeda Muqdisho oo ay hortaagneyd Alshabaab ayaa Bilihii ugu danbeeyay sii xoojiyay falalka dilalka khaarijinta ah ee ay kula kaceyso ciidamada dowladda, waxayna markii danbe u wareegtay shaqaalaha shirkadaha Isgaarsiinta iyo xawaaladaha.

Ololihii ugu horeeyay ee Daacish wuxuu saameeyay shirkadda Amal oo ay dableyd ka tirsan kooxdani ay si xun u dhaawaceen mid ka mida madaxdeedka Qeybta Muqdisho, dhowr jeerna qaraxyo aan xoog lahayn ka rideen xaruntooda Muqdisho.

Ad

Arrintan waxay keentay cabsi u gaara shirkadda iyo shaqaalaheeda Muqdisho oo qarka u saarmay inay howsha joojiyaan, laakiin waxaa markii dambe arrinta laga xaliyey xarunta Daacish ee Gobolka Bari, markii madaxda shirkaddaasi ay arrinta dhex galeen, lagana yaabo in dhaqaale lagu furdaamiyey.

Maalmo kadib Daacish waxay ololaheeda u wareejisay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, iyadoo beegsaneysa shaqaalaha shirkaddaasi heer waliba oo ay yihiin, waxaana wararku sheegayaan in ilaa 11 shaqaale oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda ay toogasho ku dileen Daacish, iyadoo ujeedkoodu yahay inay ku qasbaan lacago baad ah oo la siiyo.

Waxaa cad in arrintan ay saameyn ku yeelan doonto shirkadaha kale dhammaantood, inkastoo dhexdooda ay caddow isku yihiin, waxayna u dhaxeeyaan ilaa saddex awoodood oo mid waliba dhaqaale ka dooneysa.

- Advertisement -

Kooxda Alshabaab oo hore u xakameysay awoodda Daacish ee Koonfurta Soomaaliya ayaa hadda u muuqata inay ku fashilantay ama iska fiirsaneyso dhaqdhaqaaqa xoogga leh ee Daacish ka wado magaalada Muqdisho. Alshabaab lafteeda ayaa qaab la mida kan ay hadda adeegsaneyso Daacish ku hirgelisay canshuurta ay ka qaado Ganacsatadda Muqdisho iyo K/Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ah tan sharci ahaanta loogu leeyahay inay difaacdo ganacstada ay kooxahan ugaarsanayaan ayaa xisaabtana ku jirin waxayna sirdoon ahaan iyo awood ahaanba ay ku fashilantay inay ka hortagto is-balaarinta Daacish ee Muqdisho, iyadoo canshuurta ay ka qaadato ganacsatadan aan wax bedel ah siin karin inay amnigooda ku sugto.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON