Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dil duleedka magaalada Mudisho xalay loogu geystay Nin Ganacsade ah.
Dabley Burcad ah ayaa degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ku dilay Nin Ganacsade ka caan ahaa degaankaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekeeye.
Dableyda cilka geystay ayaa la sheegay inay ku leebisnaayeen dareyska Ciidamada dowladda, iyadoo ka dhacay taleefoon Mobile ah oo uu watay xilli uu kasoo baxay Masjid, markii uu diiday inuu dhiibo telefoonkana ay toogteen, kana qaateen taleefoonkii.
Ciidamo gaaray goobta dilka ka dhacay Ganacsadaha ayaa geeyay Xarunta CID-da waxaana ehelladiisa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka dalbanayaan inay cadaalad u helaan dilkaas, isla markaana soo qabtaan dadkii ka dambeeyay.
