Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa nin Ganacsade ahaa toogasho ku dilay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Falkan ayaa xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha, waxaana ninka la dilay la sheegay in lagu magacaabi jiray Cali Bashiir, isagoo ka mid ahaa ganacsatada Liinta ee Gobolka Sh/hoose, waxaana dilkiisa ka danbeeyay laba dhalinyaro oo goobta ka baxsaday markii ay dileen kadib.
Xilli danbe ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamada dowladda, iyagoo aan ku guuleysan inay soo qabtaan dadkii falkaasi geysatay.
Dilalka khaarijinta ah ee dadka iyo xubnaha ka tirsan dowladda waxa inta badan fuliya kooxda Alshabaab.