Booliska Goboolka Banaadir ayaa sheegay  in nin ganacsade ah uu ka badbaaday isku day la doonayay in lagu khaarijiyo markii qarax loogu xiray gaarigiisa.
Gaari uu leeyahay ganacsade lagu magacaabo Xuseen Jaamici ayaa miino loogu xiray ay kula qaraxday maanta meel u dhow saldhiga degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir sida uu  sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.
Gaariga ayaa qarxay markii uu a degay ganacsadaha, waxaana ku dhintay laba qof oo shacab ah, kuwaasoo goobta ka dhowaa, waxaana la sheegay in waxaa jira dhaawac fudud uu ka soo gaaray ganacsadaha.
Goobjooge.com