Wednesday, April 23, 2025

Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo laga saaray Liiska Madow ee Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa liiska madow ee shaqsiyaadka argagixisada ee hantidooda la xayiray ugu danbeyn ka saartay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale, kadib markii uu ku dhowaad 15 sanadood ku jiray, isla markaana dhibaato weyn kasoo gaartay.

War  ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee dalka Mareykanka qaybta maamusha dhaqaalaha dibadda ee loo yaqaan (Office of Foreign Assets Control) ayaa lagu sheegay Axmed Nuur Cali Jimcaale laga saaray liiska dadka laga xakameeyey dhaqdhaqaaqa socdaalka.

ahmednuur

Ad

Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo lahaa shirkadii Barakaat, waxaa la xiray shirkadiisii iyadoo dhowr qof oo uu ka mid yahayna la saaray xayiraad hanti iyo mid  socdaal.

Arrintan ayaa timid kadib dadaal dheer oo loo galay sidii loo caddeyn lahaa inaysan wax dembi ah lahayn shirkadda Barakaat iyo ganacsatada uu ka mid ahaa Axmed Nuur Jimcaale, waxaana weli maqan hantidii laga xayiray shirkadda Barakat.

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON