Saturday, October 12, 2024

Ganaax lagu riday Haweeney ah Xeer ilaaliye ku-xigeen oo khilaaf ka dhaliyay Hay’adaha Garsoorka (Akhriso)

Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska Xeer ilaalinta Guud kadib markii ganaax lagu riday haweeney ah ku-xigeenka xeer ilaaliye ku xigeenka guud.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa ku eedeeyay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Safiya Maxamed Maxamuud inay muddo laba jeer ah ka maqnaatay cudurdaar la’aan iyadoo lagu wargeliyay qaadista Dacwad Ciqaab ah oo tirsigeedu ahaa 242/2020, taasoo uu eedeysane ka ahaa Axmed Xasan Maxamuud.

Garsoor Saalax Cali ayaa ganaax dhan $500 ku xukumay haweeneyda ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Safiyo Maxamed, kadibna waxaa jawaab dheer soo qortay haweeneyda la ganaaxay, iyadoo gaashaanka u daruurtay sharci ahaan xukunkaasi.

Ad

Qoraallada ay is weydaarsadeen labada dhinac waxaa ka muuqda xaaladda ay uu ku sugan yahay garsoorka dalka oo gaartay inaysan wada shaqeyn karin xeer ilaalinta iyo Maxkamadaha, iyadoo dib u habeyntii la sugayey in lagu sameeyo Hay’adaha Garsoorka intii ay dowladani jiray ay socon weyday.

HOOS KA AKHRISO QORAALLADA

Qoraalkii xukunka ganaaxa ee xeer ilaaliye ku xigeenka

- Advertisement -

Qoraalka jawaabta ah ee xeer ilaaliye ku xigeenka la ganaaxay

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON