Maamulka Gobolka banaadir ayaa shaaciyey in Ganaax lagu soo rogi doono dadka aan qaadan tilmaamaha caafimaad ee ka hortagga cudurka Covid-19.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Filish oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay wada qabteen wasiiro ka tisan xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in muddo toddobaad ka dib ah oo ka bilaabta 15-ka Bsisha Maarso 2021 lasoo rogi doono ganaax ku saabsan qofkii aan qaadan tilmaamaha caafimaad ee aan xiran weji-xirka (Facemask).
Wuxuu sheegay in markii ay dadka u hoggaansami waeyeen talooyinkii la siiyey, isla markaana cudurka Covid-19 uu si ba’an dadka ugu dhex jiro, ay qasab noqotay in 15-ka bishan la bilaabo ganaaxa qofkii amarka khilaafa amarrada caafimaadka haddii uu qof gaadiid saaran ama goobaha ganacsiga ku jira.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa caddeeyay in Ganaaxa loola jeedo inay dadku laasimaan talooyinkii la siiyey, laakiin faahfaahin kama bixin waxa uu noqon doono Ganaaxaasi.
