Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay inay shir degdeg isugu yimaadaan maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo looga hadlo imtixaankii fashilmay ee shahaadiga dowladda Federaalka, kaasoo la joojiyey markii uu suuqa galay.
Wasiirka Waxbarashada maamulka Galmudug Axmed Deeq Cabdi Falko oo Magaalada Gaalkacyo kula halday warbaahinta ayaa sheegay in si wax looga qabto cabashada ka timid ardayda Soomaaliyeed ee ku saabsan imtixaankii fashilmay ee dowladda ay muhiim tahay inay kulan isugu yimaadaan Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya iyo Dowlada goboleedyada si loo badbaadiyo ayuu dhahay mustaqabalka 30 kun oo arday.
Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhaceen bannaanbaxyada ay sameeyeen ardayda dugsiyada Sare oo looga horjeedo go’aanka Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.