Madaxda iyo Taageerayaasha maamulka Galmduug ayaa ka xumaaday hadallo kasoo yeeray Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Basmo Caamir Axmed oo ku saabsan guushii Gobolka Banadir ay ka gaareen xulka Galmudug, kuna qaadeen Koobkii Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Kadib ciyaartii Khamiistii ee Guushu ku raacday Xulka Gobolka Banaadir ayaa khudbad taageero ah oo ay jeedisay Basmo Caamir waxaa ka mid ahaa: “Ciyaartoyda banaadir waxbka looma ballan qaadin.. waxay ku shaqeeyaan si is-xilqaan ah… dalka ayey leeyihiin Magacaas, caasimadda iyo calanka ayey ilaalinayeen… Ciyaartoyda loo ballan qaaday Turkiga Cadaado ayey ku noqonayaan hadda… ayaga laakiin magaalada Muqdisho laakin 17-kedaa degmo ayeuy ku dalxiisayaan.. dal aan dalkaaga ahayn waa dareen ku joog..”
Arrintan ayaa ka careysiiyay taageerayaasha iyo dadka Galmudug kasoo jeeda oo jawaabo qalafsan baraha bulshada ugu diray Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada Basmo Caasmir, waxayna xaaladu gaartay in Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu cudurdaar iyo raaligelin ka dalbado.
Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraalkiis ku yiri: “Hadalka gabadhan Guddoomiye Kxg ka ah Gobolka Banaadir Waa mid gef ah oo u muuqda in uu liddi ku yahay ujeedadii tartanka cayaaraha loo qabtey oo ah isdhexgal Bulsho iyo walaaltinimo, iyo in 90-ka daqiiqo ee cayaartu socoto loo daayo hadalada taageerada ah ee aan xanafta laheyn. Gobolka Banaadir reer Galmudug cidna kama xigsan karto, xaafadaha ay sheegtey in badan oo ka mid ah waxaa deggan dad ka soo jeeda Galmudug. cayaartoyda Galmudugna meesha ay tagayaan ama ay joogayaan ayaga ayaa xor u ah oo ma ahan mid ayada ay go’aankeeda leedahay ama wax laga weydiinayo. Anigoo ixtiraamaya Maamo Basmo, haddana waa in ay si lagu qanci karo oo u dhiganta qaabkii hadalada gefka ah ay u tiri uga cudurdaarataa hadalkeedan.!.”