Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa uu bilaabayo Doorashada Golaha Shacabka.
Isagoo xalay ka hadlayey xaflad loo qabtay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo arrimaha Doorashooyinka dib u dhacay u tegay Galmudug ayuu sheegay Qoorqoor in kuraasta ugu horeysa ay ku dooranayaan muddo maalmo gudahood ah.
“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Waxaa arrintan soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo maamul Goboleedyada mar kale ugu baaqay inay dedejiyaan Doorashada.
