Labo gabdhood oo wallaalo ah ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen  markii uu qaaday Daad ka dhashay Roobabdii Gu’ga oo da’ay  degaanada Gobolla Waqooyi Galbeed.
Geeriday haweenkan ayaa timid markii Daadka Togga Dacar-Buluq la tegay Gaari ay wateen  iyagoo ka tegay magaalada Berbera, kuna socday Hargeysa.
Gaarigii ay la socdeen labadan gabdhood oo ahaa nooca Nissan Surf-ka ayay si lama filaan ah biyaha daadku u qaadeen, waxaana magacyadooda lagu sheegay Asma Maxamed Yuusuf iyo Fowsiya Maxamed Yuusuf.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Abokar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida labada gabdhood ee ku safrayay wadadda u dhaxeysa Berbera iyo Hargeysa.
Dadaalladii lagu doonayay in lagu badbaadiyo labadan gabdhood ayaa lagu fashilmay, waxaana ay ka mid noqdeen dadka faraha badan ee Daadadku sanad kasta ku qaadaan Toggaasi.
Goobjooge.com