Gabar Soomaali ah oo ku nool dalka Australia ayaa meydkeeda laga helay magaalo ku taalla dalka Australia.
Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Naciima Xasan ayaa deganeyd magaalada Barisbane ee Gobolka Queensland la waayay Sabtidii xilli ay gaari qaadatay, waxaana markii danbe shalay meydkeeda laga helay goob lagu magacaabo Birkdale iyadoo gaarigeeda meel u dhow goobtaasi laga helay.
Booliska ayaa baaritaan ku haya meydka gabadhan, waxaana gaarigeeda laga helay degaanka Wellington, iyadoo ay ku dhex jiraan Boorso ay wadatay, balse la waayay telefoonkeedii gacanta.
Naciima oo ahayd 27 sano jir ayaa Booliska dalka Austraila ay baaritaan kale saaka ku sameyn doonaan goobta meydkeeda laga helay, iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxa ka dambeeyay geerideeda.