Warar laga helayo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Gabar  14 sano jira, kana mid ahayd  Ardadii wax ka baraneysay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Imaam Shaafici ay is dishay.
Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Nimco Axmed Jaamac ayaa Aroortii hore ee saaka lasoo weriyay  inay Mindi Dhuunta isaga jartay, taasoo ka dambeysay  markii ay ogaatay inay ku dhacday imtixaankiii Fasalka 8aad oo ardaydii gashay ay ka mid ahayd.
Ehelada Nimco ayaa sheegay inay aad uga welwelsaneyd natiijada imtixaankeeda, waxayna ka mid ahayd arday dhan 603 oo ku dhacay imtixaankii laga qaaday dugisyada Gobolada Somaliland.
Isbitaalka ayaa loola cararay  Nimca Axmed Jaamac oo dhaawac halis ah isu geysatay, waxayna durbadiiba ku  geeriyootayc  Isbitaalka Guud ee magaalada Ceerigaabo.
Ardayga dhacday sanadkan  degaanada Somaliland ayaa ahaa kuwii ugu badnaa  imtixaan qura laga soo calaamadeeyo inay gudbi waayeen.
Warka Gabadha is dishay ayaa naxdin weyn ku noqday magaalada Ceerigaabo iyo degaanada Somaliland, iyadoo ay tahay dhacdadii ugu horeysay ee nooceeda ah.
Goobjooge.com