Waxaa maanta magaalada Muqisho agu aasay Gabar dhalinyaro ah oo ehelkeeda ay sheegeeen kufsi loogu geystay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax ayaa wararku sheegayaan in lagu kufsaday Daar weyn oo ku talala Degmada Waaberi, markii uu shirqoolay wiil ay wada socdeen oo ugu yeeray wiilal kale oo lagu sheegay 5 kale, iyadoo markii la kufsaday kadib laga tuuray Darta oo dabaq dheer ahayd.
Ma jiro wax war ah oo weli kasoo baxay Ciidamada Booliska oo xaqiijinaya falkan naxdinta leh iyo cidda k dambeysay, laakiin dadka ku dhow Gabadha dhibaatadu gaartay ayaa sheegay inuu socdo baaris, isla markaana loo fasaxay inay aasaan, kadib markii CID-da ay baaritaan ku sameysay.
Ehelka Gabadha ayaa dalbaday cadaalad, waxayna caddeeyeen in falkan loogu geystay dhisme ku yaalla degmada Waaberi, kasoo horjeeda isbitaalka Daaru-shifaa. Waxaana la sheegay in kuwii falkani ka danbeeyay ay geerideeda ku wargeliyeen Hooyadeed oo Miyiga ku sugan.
Dhacdadan oo faahfaahinteeda weli lagu daba jiro ayaa noqoneysa falkii ugu naxdinta badnaa ee kufsi ah oo muddooyinka ka dhaca caasimadda, waxaana maanta Allaha u naxariisto Xamdi Maxamed Faarax lagu aasay qabuuro ku yaalla degmada Deyniile.