Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gabar dhalinyarro ah dhaawac culus kasoo gaaray kadib markii ay iska tuurtay dhisme Hotel ku yaala agagaarka Baar Ubax, degmada H/Wadaag ee magaalada Muqdisho.
Arrintan oo ka dhacay Hotel Nasiye ee xaafadda Baar Ubax ayaa la sheegay in Gabadha ay hotalka la joogtay muddo saddex cisho ah nin sheegtay in uu qabo, kadibna ay maanta falkan ku dhaqaaqday xilli uu quraac doontay.
Dhismaha ay iska soo tuurtay gabadha oo ka koobnaa Saddex Dabaq ayaa keenay inay haweeneyda ka jabto qoorta, isla markaana burbur kasoo gaaro wejiga iyo ilkaha, iyadoo xaaladeeda ay tahay mid culus.
Ciidamada Booliska H/wadaag ayaa tegay goobta falku ka dhacay, waxayna soo xireen ninkii la joogay gabadha oo lagu xiray saldhigga degmada Howlwadaag. Wararka qaar ayaa sheegaya in gabadha oo da’deedu ka yar tahay 20-sano jir ay ku jirtay xaalad isku buuq ah oo aan la sheegin waxa sababay.