Gabar ka mida orodyahanadda Soomaalida oo ku guuleystay tartankii orodka gaaban ee Muqdisho maanta ka dhacay ayaa ku sigatay in si musuq ah looga qaato kaalinta koowaad.
Arrintan ayaa timid kadib markii Orodyahan Maryan Nuux Muuse oo hore uga qeyb gashay tartamo heer Caalami ah oo gashay kaalinta koowaad ay ka war heshay in gabdho lagu qaaday gaadiidka ciidamada oo la sheegay inay galeen kaalimaha hore sida ay sheegtay.
Tartanka maanta waxa ka qeyb galay dhalinyaro Rag iyo Dumar oo laga keenay degmooyinka gobolka Banaadir, waxaan maamulayay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo dadkii tartanka ku jiray la arkay iyagoo lagu qaadayo gadiidka ciidamada.
Maryan Nuux ayaa ku dooday inay aragtay Gabdho ka qeyb galayay tartanka oo Gaari ciidan lagu siday , laakiin eshee markii ay guddiga u sheegtay arrintaasi ay u aqoonsadeen inay iyada kaalinta koowaad gashay.
Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa iyaduna sheegtay inay maqashay warar hoose oo tartanka laga sheegayo waxayna ku adkeysatay in guddi 50 qof ka kooban ay ku howlanaayeen arrintaasi wax khalad aha aanu dhicin.