Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun xabsi ah ku ridday gabadh loo haystay inay ka tirsanayd kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkan qabsatay Baraha Bulshada.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Xaawo Cismaan Cabdi ayaa lagu helay inay siyaabo kala duwan ula shaqayn jirtay Alshabaab, waana gabar dhalinyaro kooxdau hayn jirtay hubka isla markaana ay macluumaad ka keeni jirtay xubnaha dawladda u shaqeeya si loo beegsado.
Xaawo Cismaan waxay Alshabaab ku biirtay kaddib markii ay afkaarta xagjirka ah ka heshay barraha internet-ka ee Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Xaawo lagu helay dhammaan eeddihii loo jeediyay, laguna xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah.
Xubnahana Alshabaab ee kooxdan waxaa lagu kala xukumay xukunnada soo socota:-
1- Cawil Aadan Jamaac waxa ay Maxkamadu ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah.
2- Xaawo Cismaan Cabdi waxaa lagu xukumay iyana 8-sano oo xabsi ciidan ah
3- Xasan Cali Xasan waxa ay maxkamaddu ku xukuntay Hal sano oo IL ku heynta Booliiska ah.
4- Maxamuud Cabdi Xuseen,waxa ay Maxkamadda cadeeysay in uusan lahayn wax dambi ah waxa ayna u soo celisay xoriyadiisa.