Kiis ugub ah oo noociisa aan hore loo arag ayaa ka dhacay Gobolka Sool, kadib markii gabar 14 sano jir ah Maxkamadda Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool ka dacweysay nin uu aabaheed ku qasbay guurkiisa.
Gabadhan oo lagu magacaabo Xaawo Isaaq Aadan ayaa ku guuleystay 4-tii bishan Maarso in ninkii lagu qabsay oo ka weynaa 30 sano laga furo kadib markii dacwadii ay ka geysatay Maxkamada aabaheed iyo ninka loo guuriyay ay go’aan soo saartay dhammaadkii bishii hore. Maxkamada ayaa toddobaadkii hore go’aamisay in gabadha la furo maadaama aysan qaangaarin islamarkaasna aysan raali ka aheyn guurka.
Ninka laga furay Xaawo oo lagu magacaabo Iftin Cabdi Aadan oo 41 sano ji ah, kuna nool magaalada Laas-caanood ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda aanay dhageysan oo uu kharash uga baxay gabadha.
HOOS KA DHAGEYSO WARBIXINTA QISADAN EE KA BAXDAY RADIO ERGO