Waxaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho lagu qarxiyay Gaari halkaasi ka waday wacyi gelinta Cudurka Covid-19 oo cod-baahiye ku xirnaa, kaasoo raacsanaa maamulka degmada Kaaraan.
Gaarigaan ayaa miino lala beegsaday xili uu marayey agagaarka xarunta degmada Kaaraan, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo uu burbur kasoo gaaray gaariga. Darawalkii gaariga ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr askari oo la socday.
Qaraxyada Miinada ee loo dhigo gawaarida ayaa ku sii badanaya muddooyinkii danbe caasimadda iyo labad Shabeelle, waxaana sheegta Alshabaab.