Tuesday, October 3, 2023

Gaari ku qarxay magaalada Muqdisho iyo Raggii la socday oo la qabtay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mida caasimadda.

Qaraxa ayaa ahaa Gaari miineyso oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay bar koontrol oo ku taalla xaafadda War-laliska oo ku dhow Ex-Control Afgooye, kaasoo qarxay markii ay joojiyeen ciidamada Amniga, xilli ay su’aalo weydiinayaan laba qof oo Gaariga laga shakiyay la socday oo midkood ahaa darawalkii.

“Degmada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Ex-control Afgooye, ayeey Khawaarijtu gaari ku soo rareen Walxaha Qarxa, Barta Hubinta Gadiid ee Ciidanka Howlgalka Ciiltire, gaar ahaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa ka hortagay oo fashiliyay dhahartaas, intii dadka laga fogeynayay ayuu gaarigii qarxay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir.

Ad

Qaraxa ayaa la sheegay inaysan geysan Nafeed iyo Ciidan iyo Shacab, balse waxaa gacanta lagu hayaa dhagar-qabayaashii gaariga waday, ayna wajihi doonaan cadaalad.

Qaraxa oo ka dhacay bar koontrol oo ku taalla xaafadda Warlaliska oo ku dhow Ex-Control Afgooye ,degmada Dayniile ayaan weli la xaqiijin qasaaraha uu geystay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!