Wararka laga helayo dalka Uganda ayaa sheegaya inuu qarax kale ka dhacay magaalada Mpigi ee bartamaha dalka Uganda, kaasoo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.
Booliiska Uganda shaaciyey in Qaraxa ay ku dhinteen laba qof, kuna dhaawacmeen dhowr kale kadib qaraxa ka dhacay gudaha Bas nooca dadweynaha ah, oo marayey Degmada Mpigi ee bartamaha Uganda.
Baska la beegsaday ayaa waxa lahayd shirkadda Swift Safaris Bus, wuxuuna ka yimid magaalada Kampala, isagoo ku socday magaalada Bushenyi. Booliska ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay oo xiray, iyadoo la bilaabay baaritaanka, waxaana jira warar sheegaya in Bam loo adeegsaday qaraxa.
Qaraxa ayaa ah kii labaad muddo saddex maalmood gudahood, kadib weerarkii bambaano ee ka dhacay Komamboga, magaalada Kampala.
Qaraxa baska ayaa dhacay saacado uun ka dib markii kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka (IS) ay Isniintii sheegatay mas’uuliyadda qaraxii dadka badan ku dhinteen ee dhowaan ka dhacay caasimadda Kampala, kaasoo ay boolisku ku sheegeen ‘fal argagixiso gudaha ah.’
Ururka Daacish ayaa sheegtay qaraxa 8-dii Oktoobar, ka dhacay dalka Uganda oo ahaa kii ugu horeeyey ee ay ka fuliso dalka Uganda, markii Bam lagu weerarray xarun booliis oo ku taalla magaalada Kampala.
