Monday, April 15, 2024

Gaari ay Waxyaabaha Qarxa ku diyaarinayeen maleeshiyada Alshabaab oo Qarxay iyo Qasaare kasoo gaaray

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Gaari waxyaabaha qarxa lagu diyaarinayey uu ku qarxay maleeshiyadii Alshabaab ee howshaasi waday degaan hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qarax culus uu gilgilay tuulo u dhaxeysa degaanada Miliqo iyo Dabagalo oo hoos yimaada Dagmada Xareedheere, kadibna ay ogaadeen in qaraxa uu ahaa gaari lagu diyaarinayey qarax oo bas beelay intii maleeshiyada ay ku howlanayeen si weerar loogu geysto.

Dhammaan dadkii ku howlanaa diyaarinta Gaariga ayaa la sheegay inay ku dhinteen, iyadoo aan la ogeyn halka loola dan lahaa ee ay doonayeen in Alshabaab ay ku weerarraan iyo waxa dhaliyey qaraxa inay tahay farsamo khaldantay iyo duqeyn cirka ah.

Ad

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo dhowaan qarax Gaari lagu qaaday saraakiil ka tirsan ciidamadda Milateriga Soomaaliya oo ku sugnaa Koonfurta Gaalkacyo.

Alshabaab ayaa mararka qaarkood waxyeelo kasoo gaartaa miinooyinka iyo qaraxyada ay maleegaan oo ay ku waayeen farsame-yaqaano badan oo howlaha qaraxyada u qaabilsan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON