Sunday, March 23, 2025

Gaari ay wateen Ciidamo oo lagu Qarxiyey Magaalada Muqdisho iyo faahfaahin laga helay

Qarax ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, jidka u dhacaaya KM 4 iyo Trebuunka, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyadii C/Qaasim, kaasoo dhaliyey qasaare ka duwan.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa lala beegsaday ciidamada dowladda, gaar ahaan gaari Cabdi Bille ah oo ka mid ahaa ilaalada Taliyaha ciidamada Asluubta, waxaana ku dhintay hal askari, iyadoosaddex kale. ay ku dhaawacmeen saddex kale. Wararka ayaa sheegaya inuu Gaariga la qarxiyey la socday Taliyaha ciidamada Asluubta Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka badbaaday qaraxa.

Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, wuxuuna qaraxa saaka ka mid ahaa qaraxyo is daba joog ah oo muddooyinkii dambe ka dhacayey Magaalada Muqdisho, loona adeegsaday Miinada dhulka.

Ad

Image may contain: one or more people, people walking and outdoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON