Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda banaanbax ay dhigayaan Darawallada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka oo xiray Wadooyinka ka mida caasimadda, iyagoo ka cabanaya wadooyinka ay maraan oo yar iyo lacag badan oo canshuur ahaan looga qaado.
Isgoyska mashquulka badan ee KM4 ayaa ka mida goobaha ay xireen darawallada careysan oo ku doodaya in dowladda ay kaliya canshuur ka qaadato oo aysan jirin wado ay mari karaan, ayna isku keeni karin inay bixiyaan canshuur iyo inay maraan wado dhinac waliba ka xiran oo aad u kooban.
Gaadiidleyda ayaa ka careysan in dowladda ay Mooto Bajaajka u ogolaatay inay maraan wadooyinka oo dhan, halka Gaadiidkooda caasiga loo yaqaan e HOMEY ay ku kala go’doonsan tahay qeybaha loo kala gooyey magaalada oo aysan dhinac waliba dhaafi karin, sidaasina ay canshuur sii kordheysa uga qaadaneyso.
Saameynta ay reebeen Wadooyinka xiran ee magaalada ayaa sii kordheysa, iyadoo balanqaadyadii madaxda G/Banadir ee la sheegay in lagu furayo wadooyinkaasi ay shaqeyn waayeen, waxaana laga cabsi qabaa in bannaanbaxyada Gaadiidleyda ay isku bedelaan kacdoon xoog leh.
Bannanbaxyada noocan oo kale ah ayaa ah jidgooyo lagu xiro wadooyinka, waxaana ku biira dadweyne ka careysan wadooyinka xiran ee magaalada, iyadoo weli aysan jirin cid ku soo baxday oo ka tirsan mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka.
Dil ay ciidamada Booliska ku sugan baraha kala xira magaalada Mudisho kula kacaan Darawal Mooto Bajaaj ayaa Muqdisho ka dhaliyey bannaanbaxyo hareeyay magaalada iyo kacdoon ay hoggaaminayeen darawallada Mooto bajaajta, kaasoo markii dambe dowladda ku qasbay inay Mootooyinka u furto wadooyinka oo dhan.