Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Gaadiid ay uu ku deeqay Bankiga Horumarinta Afrika ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Munaasabadda wareejinta gaadidka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beelle, waaana Gobolka Banaadir lagu wareejiyey 2 Gaadiid, halka Maamulka Koonfur Galbeed uu helay 2 Gadiid iyo Maamulka Hir-Shabeelle oo lagu wareejiyey 3 Gaadiid.
“Maanta waxaan Wareejinay 7 Gaadiid ah oo loogu talagalay Dowlad-Goboleedyada in ay ku hormariyaan Canshuuraha Dalka, Iyadoo waafaqsan codsigoodii hore ayaa loogu qeybiyay sidaan, Gobolka Banadir (2), Maamulka Hishebelle (3) Maamulka K.Galbeed (2)” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda
Gaadiidka loogu talogalay maamulalda kale ee Jubbaland 3 Gaari, Puntland 2 Gaadi iyo Galmudug 2 Gaari ayaa ka kala degay dekadaha magaalada Boosaaso iyo Kismaayo, iyadoo loogu talogalay inay Dowlad-Goboleedyada in ay ku hormariyaan Canshuuraha Dalka.



