Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo socdaal ku joogay magaalada Baydhaba ayaa dib ugu laabanaya magaalada Muqdisho, kadib markii ay socon weyday in la furo kalfadhiga Baarlamaanka maamulka K/Galbeed.
Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in qorshihii maanta oo Talaado ah lagu furi lahaa kal-fadhiga Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed uu baaqday, markii dood ka dhalatay in Baarlamaankaasi oo waqtigiisa ay ka harsan tahay wax ka yar 3 bilood loo furi karo kalfadhi cusub, iyadoo horena madaxweynaha K/Galbeed u shaaciyey in dowladda Federaalka ay diiday waqti kordhin ay uga raadiyeen.
Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Somaia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan & Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, ayaa maanta furay shir dib u heshiisin ah oo ay ka qeyb galayaan guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka mamulka K/Galbeed, kadib markii uu socon waayey kulankii furitaanka Baarlamaanka maamulkaasi,
Hore ayuu madaxweynaha K/galbeed C/casiis Lafta-gareen ugu sheegay xildhibaannada K/Galbeed in madaxda dowladda Federaalka ay diideen waqti kordhin loo sameeyo Baarlamaankaasi, sidaas darteedna mudane kasta uu kasoo ololeeyo beeshiisa iyo odayaasha dhaqanka.