Saturday, January 25, 2025

Fu’aad Shongole oo ka jawaabay Warka ay ka faafisay dowladda Itoobiya “Waa i kan waa noolahay”

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mida madaxda sare ee Al-Shabaab oo dhowaan dowladda Itoobiya ay shaacisay inay duqeyn ku dishay ayaa ka hadlay warkaasi, isagoo hadal digniin ah u jeediyay Itoobiya.

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay muxaadaro uu jeediyay Fu’aad Shogole, isagoo ka hadlay dagaaladii dhexmaray ciidamada Itoobiya, Liyu Police iyo Alshabaab, wuxuuna beeniyay warka dilkiisa ah ee laga faafiyay.

Wuxuu ka faalleeyay dagaaladii Alshabaab la galeen Liyuu ee degaanka Caato oo laba jeer dhacay, isagoo si xamaasad uga hadlay guul uu sheegay inay ka gaareen dagaaladaasi oo midkii hore 40 daqiiqo lagu kala baxay, kii labaadna 3 saacad uu socday.

Ad

“Waxaa dadka u sheegayaa dagaalkii Jimcaha ee 30-ka bisha dhacay, wuxuu socdaba Allaah wuxuu na tusay Gaalladii oo noqday wax bakhtiyey iyo wax cararay. Markii aan guusha helnay ayey Gaaladii u soo gurmatay laba diyaarad ayey soo kiciyeen, tiro ka badan boqol ayaa laga dilay.. in ka baddana ay qaateen.. Si ay arrintaas dadka uga leexiyaan waxay Sabtidii soo sheegeen in Fu’aad Maxamed Shongole lagu dilay dagaalkaasi. Waa kanaa Aniga oo nool oo hadlaya… ” ayuu yiri Sheekh Fu’aad SHongole.

Sheekh Fu’aad ayaa sheegay inuu Qoriga iyo Booshka u qaatay dagaalka uu Itoobiyaanka iyo taageerayaashooda kula jiro, isagoo ku eedeeyay inay ku tunteen Towxiidka, ayna ku joogjoogsadeen magaca Allaah iyo kalmadii towxiidka.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayuu sheegay inuu ku danbeyn doono halkii uu ku danbeeyay Cabdi Iley.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON