Madaxweynihii Faransiiska Emmanuel Macron ayaa mar kale ku guuleystay Doorashadii Madaxweynaha ee Faransiiska, kadib cod bixintii maanta.
Hay’adhaa cod bixinta ayaa natiiijo hordhac ah bixiyey, waxaana taasi si weyn u soo dhoweeyay Midowga Yurub oo cabsi badan ka qabay Haweeneyda Midigta ah ee tageresan Ruushka Marine Le Pen.
Madaxweyne Macron ayaa Faransiiska hoggaamin doono markii labaad muddo shan sano ah marka natiijooyinka rasmiga la shaaciyo. Marine Le Pen ayaa qiratay in laga guuleystay.
Natiijada hordhaca ah markii ay xirmeen goobaha codeynta ayaa sheegeysa in Macron ka guuleystay Marine Le Pen isagoo helay ugu yaraan 57% codadka la dhiibtay.
Mareykanka iyo dalalka Midowga Yurub ayaa cabsi weyn ka qabay haweeneyda Mdigta fog ee Marine Le pen oo ololaheeda Doorashada ku ballan qaaday in uu baabi’inayso xiriirka Faransiisku la leeyahay 27-ka dal ee Midowga Yurub, isbahaysiga milatariga ee NATO iyo Jarmalka.
