Monday, February 17, 2025

Fowsiyo Xaaji oo Madaxweyne Xasan Sheekh ka diiday inay ka harto tartanka Kursiga Midowga Afrika

Xildhibaan Fowsiyo Yusuf Haji Adam ayaa shaacisay inay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ay ka dalbadeen inay ka tanaasusho kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika ee ay u sharaxan tahay.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayey si cad uga sheegtay inaysan marna ka tanaasuli doonin tartanka ay ugu jirto Kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika, kaddib cadaadiska uga yimid Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo doonaya sida ay tiri inay u tanaasusho Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.

Xildhibaan Fowsiya waxay caddeysay in markii hore uu ay taageereen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse uu isbedel ku yimid, wax walibana u dhaceen si lama filaan ah.

Ad

“Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas; markii aan weydiiyay sababta waxay ii sheegeen inuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka codsaday inay uga harto, si uu isagu usoo sharaxo wasiirkiisa arrimaha dibadda” ayey tiri Fowsiya Xaaji.

Waxay intaas kusii dartay “Waxaa madaxda weydiiyay waxa lagu beddeshay magaca Soomaaliyeed si aan ugu qanco, arrintaasi la igama jawaabin. Waqti dheer iyo dood badan kadib odayadii go’aankooda ayey ku adkeysteen”.

Xildhibaan Fowsiya Xaaji waxay sheegtay inaan wax aan la arag tahay tartame ama dal lagu qasbayo inuu tartanka uga haro qof ama dal kale. Waxayna ku adkeysatay go’aankeeda ah inaysan tanaasulin. “Waxay ila noqotay inaan ka tanaasulin kursigaas, maadaama horey la igu amray in aan u tanaasulo dowlad kale 2016-kii” ayey tiri Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

- Advertisement -

Fowsiga waxay kaloo kashiftay in madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisii hore ka hor istaagay inay kursigan isu sharaxdo, mar kalena uu hadda dhabarka ka jabiyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON