Fowdo iyo buuq ayaa hareeyay fadhigii maanta ee Golaha shacabka Barlamaanka Federaalka, kadib markii 30xildibaan ay geeyeen Mooshin ku saabsan Ajendaha maanta.
Kulanka ayaa isu bedelay buuq iyo sawaxan markii Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in cod loo qaadayo Mooshinka 30-ka xildhibaan ee lagu darayo Ajendaha, laakiin xildhibaannadii Mooshinka waday ayaa diiday in qaabkaas cod loogu qaado, iyagoo doonaya in Ajandaha maanta la joojiyo, lana fasaxo Wasiirka Amniga oo la filayay inuu ka hadlo fadhiga Golaha.
Kulanka ayaa isu bedelay Buuq iyo sawaxan badan, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ka codsaday xildhibaannada inay sharciga ilaaliyaan, isagoo marar badan sheegay inuusan weligiis arkin xildhibaanno diidan in. codlagu ala baxo.
Arrinta la isku hayo ayaa ah in Ajendaha Guddoonka iyo Guddiga joogtada Baarlamaanka meesha laga saaro, sida ay rabaan 30 xildhibaan oo u badan Mucaaradka, halka Guddoonka doonayo in ajendaha Guddiga Joogtada aan meesha laga saari karin.
Buuq muddo socday kadib guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa cod u qaaday in kulanka Maanta dib loo dhigo ilaa Isniinta iyo in lagu socdo cod u qaadista Mooshinka iyo ajendaha, waxaana inta badan ay u codeeyeen in dib loo dhigo, sidaas ayaan lagu soo xiray kulankii maanta ee buuqa ku dhammaaday.
Arrintan ayaa salka ku heysa dood muddo dheer soo taagneyd oo ku saabsan hab maamulka Guddoonka Golaha iyo qaabka loo wado hoggaaminta iyo ajendayaasha Baarlamaanka oo maanta u muuqata inay qaraxday.