Waxaa magaalada Nairobi ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariisteeo farshaxan Cabdullaahi Cabdiraxmaan Yariisow (ALIF).
C/llaahi Alif ayaa muddooyinkan dambe ku xanuunsanaa magaalada Nairobi, isagoo markii hore xanuunkiisa ku bilowday Sonkor, taasoo keentay in lug laga jaro kadibna uu ahaa bukaan socod.
Cabdullaahi Yariisow wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada waayadii dabe farshaxanka sida weyn hibada Alle ugu siiyay, isagoo soo baxay xilliyadii dagaalada sokeeye, wuxuuna sawirrada Kaartoon ah ku sawiri jiray Wargeysyadii Muqdisho.
Ma ahayn oo kaliya Cabdullahi Yariisow farshaxaan wax sawira ee wuxuu ahaa hal abuur ay sawirradiisa ku qotomaan feker iyo xikmad xeel dheer oo qof kasta aanu fahmi karin, wuxuu noloshiida inteeda badan ku qaatay magaalada Muqdisho.
Bahda Goobjooge waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay Cabdullaahi Yariisow. Alle ha u naxariistee janadiisiina haka waraabiyo AMMIIN.