Saturday, May 4, 2024

Farriinta Madaxweyne Xasan Sheekh u diray Caalamka kadib saxiixa Heshiiskii Difaaca Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo ay shalay si degdega u ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka Federaalka.

Farriin uu madaxweyne Xasan Sheekh soo dhigay bartiisa ‘X’ ee Twitter ayuu beesha caalamka ugu caddeyay heshiiska ay Turkiga la galeen iyo ujeedadiisa, wuxuuna si weyn u bogaadiyey kaalinta Turkigyu ugu jiro taageerada Soomaaliya.

“Waxaan saxiixay heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga. Heshiiskan taariikhiga ah, ee ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uu bog cusub u furayaa geeddi-socodka ummaddeenna ee ku aaddan mustaqbal ammaan iyo barwaaqo ah”.

Ad

Wuxuu intaa ku daray in Heshiisku uu ka kooban yahay falalka lagula dagaallamayo dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, iyadoo ay awood siinayaan dhismo ciidan badeed oo tayo leh oo lagama maarmaan u ah ammaanka badda.

“Heshiisku wuxuu sidoo kale xoojin doonaa dhaqaalaheenna buluugga ah, horumarinta qaybaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, wuxuuna fursado u abuuri doonaa dadkeenna iyo gobolka. Waxaan si qoto dheer ugu mahadcelineynaa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga taageerada hagar la’aanta ah iyo waqtiga ku habboon iyo sida ay uga go’an tahay nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada gobolka”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON