Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed u dirtay farriin ku saabsan dhalashada Bisha Ramadaan.
Waxaa dadweynaha ku sugan gobollada dalka laga codsaday inay soo sheegaan haddii ay arkaan bisha Ramadaan oo caawa la filayo inay bilato, lagana arko gobollada kala duwan eee dalka Soomaaliya.
Waxaa Warbaahinta dowladda ee magaalada Muqdisho tegi doona mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda diinta iyo Awqaafta iyo culimo go’aamin doonta haddii ay maalinta berrito ee Sabtida 27-ka May 2017 noqon doonto maalinta koowaad bisha Ramadaan.
Dhinaca kale dalal badan oo islaam ah ayaa xalay go’aamiyay inay Sabtida bilaabaneyso bisha Ramadaan, kadib markii ay xalay shaaciyeen in bisha shacbaan ay maanta ahayd 30, waxaana la filayaa in Soomaali badan oo dalka iyo dibdda ku sugan ay raacaan Sacuudiga oo berrito ay Soon u tahay wax kastoo uu noqdo go’aanka wasaaradda Diinta ee Soomaaliya
Goobjooge.com